VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Maruuntii baynu qarxinaa - Lyrics

Ma runtii baynu qarxinaa ma beentaynu isku qooshnaa Ma qoorkaynu ka idlaynaa ma qolof baynu sii saarnaa Riyahaa qaawan baa idahaa ku qoslee Ma waxbaynu qalanaa mindiyahaa qarsanaa Ma qaran baynu ahaanaa oo qabiilaynu huwanaa Ma qayrkeen baynu hiigsanaa oo talaabaynu dib u qaadnaa Waa xabaalaha ma qodnaa qudhunkii ma faqnaa Ma runtii baynu qarxinaa ma beentaynu isku qooshnaa Ma qoorkaynu ka idlaynaa ma qolof baynu sii saarnaa Riyahaa qaawan baa idahaa ku qoslee Ma waxbaynu qalanaa mindiyahaa qarsanaa Ma qudhii baynu jarnaa oo magtii baynu qaybsanaa Ma xeerkii baynu qubnaa oo qarankaynu bixinaa Waa xabaalaha ma qodnaa oo qudhunkii ma faqnaa
Queue is empty
-- / --