VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hani - Lyrics

hani hibitiqii kalgacalkaa hubaal waan ku hanwaynee hani habeen hurdo ma seexdoo aduunbay i hor joogee haraad baan kuu qabaa anigu hamuun kuu hayaa adiga hawaystay hareerahaagoo ku hungoobi maayee ha hantaaqmin abidkaa hana iiilan waligaa wadnaha dhiiga haba iyo halbawlaha waraabiyaba adigaa haleeyoo halis baad i galisee hadmaan ku helayaa hani hogol curtay baa too nasiib igu hagaajee hani halkaad igaga taalbaa had iyo goor i hafeefanayse hormood baan kuu ahay adiga horyaal baan kuu ahay adiga hawaystay hareerahaagoo ku hungoobi maayee ha hantaaqmin abidkaa hana iilan waligaa wadnaha dhiiga haba iyo halbawlaha waraabiyaba adigaa haleeyoo halis baad i galisee hadmaan ku helayaa
Queue is empty
-- / --