Gabaryahay casrigan
Calmashada kalgacal
Cirka lagu shareer
Cubta laysu baaq
Codna lagu heshii
Anna ceellalyada
Caraabada waxaan
Cagta soo rogoba
Ciirsiga addaan
Cudud kaa rabbaa
Cawo iyo ayaan
Caashaqa addaa
Calanka u sidee
Caano ila wadaag
Gabaryahay casrigan
Calmashada kalgacal
Qofba cimiladuu
Caadada dhammuu
Ku caweysiimaa
Celiseey jawaab
Ku calool samow
Dullaan colaad
Nimaan ciidan wadan
Ciil kama baxee
Cawo iyo ayaan
Caashaqa addaa
Calanka u sidee
Caano ila wadaag