Sidii wabigii Jubboo
Shimbirihu qaarba taaganyihiin

Codkoodii jilicsanaa
Jacayl ugu heesayaan

Hayee jowhar la moodyee
Jaleecada eegamada
Indhahaad soo jiidataa

Allalahay waa jabkee
Dartaa aingoo jariban
Hadaad jaw igu tiraah

Sidii jeegaanta roobtoo
Dhulkoo jiilaal da’ayoo
Biyahu jiifaan Carada
Nafluhu jeelkuu uqabo

Hayee jowhar la moodyee
Jaleecada eegamada
Indhahaad soo jiidataa

Allalahay waa jabkee
Dartaa aingoo jariban
Hadaad jaw igu tiraah

Exit mobile version