VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Moxog iyo morcood - Lyrics

ma ogtahay waxad tahay miduu mowle ii qorayee marlay kalana laabta uma furo adiga mooyaan intuu dhiigu maaxdiyo ogow meerisyada beerka hadii aanad ku ool murtiba kuuma mariyeen miyir li'i inaan ku jeclahay muranla weeyaan adumbaa wadnaha mudan maalin iyo laylee yaa maryamaay sida beer moxog ahoo mayiraale kutaaloo mirta dhexe habeenkii inta uu gud gude miray mid walbaba geedihii muruqdiisa maaloo muud sanayso biyihii oo subaxdii maryanay samaydooda muuqa leh intay qabatay milicdii maariin wir wira iyo asal midabkii yeeshay macaanaa muunadaadiyo milicsiga ilqabadka leh amaana waa aad mudatee markii aan ku dheehdaba naftu muxubo ooydaa sida geed murcud ahoo intuu mowle uumay lagu muday calyaaliyo balcad meel dhexdoodoo lagu manaystay bilicdii sheedana il milicsiga ka dhex muuqda geedaha oo madaxa guudka ubax ugu magooloo iyo dhiin casaanoo dhalaal iyo macaan lahoo naftu muhatay yeeshay macaanaa muunadaadiyo milicsiga ilqabadka leh amaana waa aad mudatee markii aan ku dheehdaba naftu muxubo ooydaa
Queue is empty
-- / --