VOA A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U W X Y Z


Nuuraay Lyrics

nuuraay naruurooy
nabad iyo nasteexiyo
nugul caashaq beeriyo
waxaad tahay naq iyo
doog x2

neecow udgoon iyo
nuurkii indhaha iyo
qalbi naaxin taydiyo
waxa tahay nuur
ii baxa ee x2

aayihii naftaydaay
nasiib tuu i siiyaay
aan nolol wadaagnee
ila naaxi caashaqa x2

nuuraay naruurooy
nacab xaasidaa jira
neceb wada jirkeenoo
jecel nabaradeenee x2

nux nuxlaha warkiisiyo
garo naar afuuf kuba
inuu yahay nuxuusiyo
nabaad guurka caashaqa x2

aayahii naftaydaay
nasiib tuu i siiyaay
aan nolol wadaagnee
ila naaxi caashaqa x2


Lyrics by: abdirisak99
loading..
-- / --