VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Sahra Ceeblaay - Lyrics

Caku aragtidaadii saw caashaq ima helin misna cudur xanuun lehiyoo sow ciil imuu badin (2x) Anfacada la cuna iyoo saw ceeshkii kama go'in cabitaana daayoo cunahaba ma mariyee inuu caashaq halis yahay calafkana wax jira yahay caawaba anaa qiree cawaba anaa qiree (2x) adiguna sahra ceeblaay cudurka ma ila qabtaa calanka ma ila sidaa calafka ma ila sugtaa mise kumaan cajabin ani kumaan cuntamin cidlaan kali heesayaa (2x) Caku milicsigaagii saw indhuhu kuma calman dabadeed calooshiyo saw caqliga uma gudbin ahahaa (2x) iyana codsigoodii saw qalbiga uma celin isna cabir wuxuu yidhi cajab weeye gabadhuye (2x) inuu cadarku udug yahay adina aad canbar tahay cawaba anaa qiree cawaba anaa qiree adiguna sahra ceeblaayeeeee ah cudurka ma ila qabtaa calanka ma ila sidaa calafka ma ila sugtaa mise kumaan cajabin ani kumaan cuntamin cidlaan kali heesayaa
Queue is empty
-- / --