VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Suldhabaale - Lyrics

A/Rahman Dheere: Xoolahaba Sumadaa Lagu baadi soocaa Dadna weedha sugan iyo Sawraca tilmaantaa Lagu kala sifeeyaa Anna geelba sibir godon Kugumaan Salaamine Sababaan Tirsanayaa Suul Dhabaale waa hadal Haddana waa si Gooniya Waxan sidaa Jacayl Aan kula sugaaye kugu simaye iga hoo ---------- Sahra Ahmed Cirku Sagal daruureed Subaxdii U leeyahey Waxa laga sugaa Saadaasha roobkiyo Xili Seermo waydee Inaguna sad iyo calaf Iyo si Alle mooyee Ka sal gaadhney caashaqa Sanqashaduna waa hadal Haddana waa si gooniya Waxan sidaa Kalgacal Aan kula sugaayee Naftan ma isku sidignaa. --------------- A/Rahman Dheere Surma seegto Waligeey Iyo waxaad saluugtaba Labadaba ka saahidey Adna kaama sugayee Sanqaroor gamaan leey Sabar geenyo ugub leey Quruxdii Suleekhiyo Samirkii Ayuubleey Suuldhabaale waa hadal Haddana waa si gooniya Waxan sidaa jacayl Aan kula sugaayee Kugu simaye iga hoo Sahra Ahmed: San ku neef le adigaan sadriga iyo laabtiyo Qalbigaba ka sahansadey Indhaha ruux aan saaroon Kula simanba maan arag Soomaaliya oo idil Saami iigu muu hadhin Adiguna iskeey sii Sanqashaduna waa hadal Haddana waa si gooniya Waxan sidaa Kalgacal Aan kula sugaayee Naftan ma isku sidignaa
Queue is empty
-- / --