VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xer taraar - Lyrics

Xili aakhir sabaan iyo Waa saban xumaado Xeerki dhaqankii sooyaal Hidihii la waa xool 2× Xeer beegti odayiyo Cuqaal xaajo kale ma leh Xisaab tiri yar mooyee Xilo gube ragii noqay 2× Haweenkuna xakame Xuduud celisa ma lahoo Waa xeer taraariyoo Ubadkuna xaqdhawrkiyo Xurmadaa ka guurtoo Kuwa xaasidkaa kori Xanaanayso cadawgaa 2× Wixii laga xishoon jiray Ayaa xarago la dhigay Rabow xaalkan daba qabo Xali cudurkan umadey Noo keen xal iyo dawo 2× Xili aakhir saban iyo Waa saban xujooboo Xusul duubka dhagareed Loo wada xanjeertee 2× Xiriirkii lamaanihiyo Jacaylkii xadaysnaa Xeelad iyo khiyaamiyi Noqay xiiso maalmaa 2× Waa xaaluf garashadii Laga orod xalaashoo Xaaraantii lagu faaf Xaasidnimiyo fogaatiyo Xiqdibaa bulshadii galay Xididkaa is cunayoo Xigtadaan is nabad galin 2× Wixii laga xishoon jiray Ayaa xarago la dhigay Rabow xaalkan daba qabo Xali cudurkan umadey Noo keen xal iyo dawo 2×
Queue is empty
-- / --