Heesta Dhamays - Lyrics
in kastooy dhib iyo hawl
ka dhacaan aduunyada
dhabtii ruuxa guba iyo
asaligu ma dhalan boxo
adiguna dhamayseey
dhibic hawd ka hooriyo
waxan dhool ka da ay meel
dhaan u saaro haamahaa
dhalan teedkii ii baxay
dhamaa ikaa jiba dhigay
dhabeel mudna waa adi
waxaan dhigay gaf iyo qalad
ka dhamaaday maantoo
dhabarkaa ku saartee
soo dhawoow ayaaneey
farxad aynu dhaqanee
inkastoo ismaan dhaa
laba nolosha meel dhiga
uu dhex maro dareenkood
kiisa runi ma dheel mado
adna dhaayahaygaay
markashawray talo dheer
waxaan dhaaday gobanimo
inay tahay u dhalashiyo
waxan la iska dhigi karin
dhan kastoo wax loo dayo
dhaladna waad u tahay sharaf
by masuul.com