Heesta Dhaqasho - Lyrics
Dhabannada labeentii
Midabkaan is dhalanrogin
Maariin dhalaalkaa
Ayaa dhugashadeediyo
Dheegag igu abuuree
Dhaqashada ku wacanee
Sida dhayda subaxeed
Kula dhama jacayl
Adduunyada dhiggeediyo
Dhammaan qiimaheedaba
Kuma dhaafsadeenoo
Sida sabi dhallaanaa
Kuu dhoowranaayaa
Dhaqashada ku wacanee
Alloow yaa ku dhoowrtoo
Sida dhayda subaxeed
Kula dhama jacayl..