hadii qalbiga caashaq hawlay
naftiisa halgaad u gaystay
haweenkaba hiir ka goystay
markuu kuli hiil ka waayay
hir doogle intuu ku mooday
xagaaga usoo hiloobay
dartaa u hogaansanaaday
inaad hodaneey halaysaa
miyay kula hawl yaraatay
naftaa u hanwayn xagaagee
ha galin nabsi aafo reeba
hadhaw cidhibtaada heera
waa heer qaran ka i hayaaye

hadii hanka dhaawac gaadhay
wadnaha hibashadu nuglayso
caqliga naafaa haleeshaa
halista dawadeed adkaato
naf ay hungo soo dishootay
intay kuba hoodo sheegtay
haday wehelkeed ku mooday
inaad hafarkeeda qaadaa
miyay kula hawl yaraatay
naftaa u hanwayn xagaagee
ha galin nabsi aafo reeba
hadhaw cidhibtaada heera
waa heer qaran ka i hayaaye

Exit mobile version