Hubaashii middaan rabayee
Haween aan ka doortaa
Rabbi igu hagaajaay

Hanka la isku doortiyo
Midkaan haybinaayoow
Weey inoo hagaagtayee

Haldhaa waad i deeqdee
Hawshii ka raysteee

Hiilkii naftaydoow
Hoo hoggaanka ii qaboo

Hablaha hargaysoo idil
Hormuudkaan ka doortaay
Hantin calaf u yeeshaay

Habeen dhalad ayaanloo
Aqal loogu hoydaa
Hor allee u mudan tahay
Hanadoow umuduntahay

Haldhaa waa ideeqdee
Hawshii ka raystee

Hiilkii naftaydoow
Hoo hoggaanka ii qaboo….

Exit mobile version