Inay damqa tooy bal diido
Calaacal maxaan udaaray
Maxan cabashada uduubay
Maxaan iri gees u caashaq
Intan dadka uga dhawaaday
Maxaan gaar ugu dan sheegtay
Maxaan dumar uga caagay
Darteed uga baqoolay
Maalmo
Maxaanay diidin qalbi
beebi ku daalay
jacaylka dooji ku daalay

Anoo dayacay naftaydii
Maxaan teeda udifaacay
Dantayda intaan ilaaway
Maxaan iya duun daryeelay
Intaan arageeda doonay
Maxaan diiday oorkeeda
Intaan suugaan daliishay
Amaanta maxaad doontay
Maxaad diiday qalbi bebi kudaalay
Jacaylka dooji ku daalay

Exit mobile version