maan ka laasimay laaskaa muxibada
adoo ku lishaamay leebka caashaqa
waliba ku lamaan laabtiyo qalbiga

hadaan kugu lalabay lahashaa i wadee
ha igu loolinoo ha iga laalinooo
macaan ha iga lumin libinta aayaha

hankan ladaabtay labeentii xubiga
adoo ku lig ligay laxawga tabashada
hadana u loogay leel leelka waayaha

Exit mobile version