maalintaanu luminbaa
la ilaashadaayoo
laan gabi yaraantaa
lagu toosiyaayee
lurta soo nqonoqata
libin kuu horseedee
lama saaro dhiilaha
layliga la buubee
laba nolol wadaagoo
dhedig iyo laboodaa
lamaaneeya tarantee
haday loofar kula tahay
la noolaansho maahee
liibaantu waa guur

reer intaan la rarinbaa
loo sahan tagaayoo
geesi ladan yaraantaa
lagu sii gartaayee
laab kac iyo fudaydbaa
lugooyada abuuroo
ishii laaca bogataa
laagaha ka duushee
laba nolol wadaagoo
dhedig iyo laboodaa
lamaaneeya tarantee
haday loofar kula tahay
la noolaansho maahee
liibaantu waa guur

Exit mobile version