Khadraay ha cidlayn
Cirkoo da,at iyo daruur curataay
Cosobka doogiyo caleenta dhirtaay
Hadii curubiyo midhaha cinabkaay
Cadceed subaxbaad la cayn taboo
Cisiyo sharafaad cudoon tahoo
Caqliyo garashaad ku caantahoo
Qalbigan ku cugtee khadraay
Ku calmaday
Markuu caashaqu cindiga udagee
Bilaahi caleeg mar qudha ha cidlayn

Khadraaay ha cidlayn
Midabka ciidoo casaan. Yar xigaay
Indhaha xuural cayn cadaan matashaay
Cadayn quruxtii casriga loo boqraay.
Cibaada saxaad caqiido lee dahee
Camalka wacanbaa kuu Caada ahoo
Ceebiyo xuma waad ka caagan tahee
Qalbigan ku cugtee khadraay
ku calmaday markuu caashaquu cindiga udagee
Bilaahi calayg mar qudha ha cidlayn

Exit mobile version