in kastood i sidatood
caashaqu i kaa sudhay
sina iigumaad tudhin
igu saydhay wacadkii
jacaylkii i saanyaday
la dhaqaaqday saakoo
socotayoo ma joogtide
safarkaagu guul wacan
safka calafkaa waad heli
aniiguna nasiibkay
samir laabta galiyee
nasri eebe waan sugi
subaxduu imaadaba

inkastoo sabaalaha
caashaqu i saaqo
hablla sabada joogaba
kaa soocday kaligaa
sahankiyo jacaylkii
maad suura galine
sibiq uga dhaqaaqdee
kaa saaray maanka
sahandambe iyo ayaankaa
aniiguna nasiibkay
samir laabta galiyee
nasri eebe waan sugi
subaxduu imaadaba
aniiguna nasiibkay
samir laabta galiyee
nasri eebe waan sugi
subaxduu imaadaba

Exit mobile version