Heesta Summer - Lyrics
Mudda dheer jacaylkii
Ku dhisnaa fariintiyoo
Dhambaal is gaarsiin
Oo is araggaa dhugashadaa
Dhabtii ruuxba ruux kale
Weli saarin dhaayahaa
Oo sideennaa isu dhololoo
Riyadana dhabdhab moodaan
Inteey samirka dhowraan
Midba dhinaca uu joogo
Ka dhowro kii kale
Dhibtuu maaha kaligeennee
Waxaa jira dhiggeene qaar
Dhulka kala cillaanee
Ila dhowr bal maalmaha
Haddii aan midkeen dhiman
Dhixi maysu libintuyee...