Heesta Waqal - Lyrics
jacaylkii daraad
goortuu i dagay
sowmaan dib jirin
tii aan darteed
dadka uga dhex baxay
wadnahayga dacal
inantii dagtee
sida waqal di'iyo
aan u haystay dirir
hadal dabacsanoo
lagu diirsadiyo
eray aan dugsado
dabnaheega sow
dacar looma marin
dadka ruux ku jecel
lama dayriyoo
lagumana digtee
sida da' ilmaa
loo daahdaahshaa
dar ALLE midan
duunkiyo bogaba
aan ku daabacee
naftu daawan lahayd
hadal dabacsanoo
hadal dabacsanoo
lagu diirsadiyo
eray aan dugsado
dibnaheega sow
dacar looma maran