VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Haduu xiisahii dhamaaday - Lyrics

dhaaxaad igu dhaadanaysoo dhabtaada ku seexanaayay dhaxanta iga weheshanayso si dhabaad ii jeclayd haduu xiisihii dhamaaday anaa dhaawaca is yeelay dhaliisha anaa mutaystay dhibane waa yeelkadiisa dhaaxaad ii dhaga nuglaydo ilaad dhaayaha i saarto dhabanada kuu salaaxo cuntadu kaa dhadhacayne haduu xiisihii dhamaaday anaa dhaawaca is yeelay dhaliisha anaa mutaystay dhibane waa yeelkadiisa dhaayihii ku arkaa xusuusta ku dheelmade anaa dhalanteed jacayla dhex dhigay laabtaydee haduu xiisihii dhamaaday anaa dhaawaca is yeelay dhaliisha anaa mutaystay dhibane waa yeelkadiisa
Queue is empty
-- / --