adaa qalbigii nuxuusay
naxliga noloshayda gaadhay
nusqaanta adaa ka saaroo
nashaaqad maankayga siiyay

adaa nuurshoo iftiinshee
niyadayda adigaa ku beeree
jacayl ku nagaaday laabta

intiii nabar oogadayda
naafeeyay naftayda oo dhan
nitaaqadu intay damqaysay
naxariistaada bogsiisay

adaa nalka ii shidoo
markaan neeftii ka quustay
adaa neecow udgoon le
naqaska wadnahayga siiyee

adaa naaxshoo jacaylkee
nimcada adaa ku sooro
naftaada naftayda siiyee

Exit mobile version