maxaan hagar daamo qabay hugumo aan iga ba ayn
calool xumo hadalo beera adoon erey ii hanbaynin
qasana toban goor la hoyday

hayena aan kaa sugay naftaydaan kaa hadhayne
inaan jaro haybintaada awoodeedaanan helayne
hadmaan caawana is keenay

habeen ka adkaysan maayo hor joogiyo daymadaada
afkaygana haysan maayo

waxaan ahay ruux u heelan qofaan hanashada u jeedin
huqdaydana dhay ka maala jawaabo lamoodo hooto
maxaad hoo tidhi naftayda

hunguuftiga ruux u jeelan haraadkuu laasimaaye
anoo shalay kaa huleelay hubaale kala dheerideena
hadmaan caawana is keenay

Exit mobile version