VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dagaal kuuma xulan - Lyrics

waxaan dumarkiyo hablaha darmaanyahay kaaga soocday inaan ku dagnoon xubiga nolasha is dugaashanee anigu marnaba anigu anigu dood iyo ilaaq dagaal kuuma guursan adi waxan kuu doortay adi inaan kuu diir naxnoo gayaan isu duubanoo is daysta ahaan karee anigu digashiyo colaad adiga dudmo kuuma xulanee naxligaan laga daalinbaa nolosha kaa dayriyee labada aan kala danbayn kalgacal isu soo dabaal xidhiidhkooduna daryeel intuu dago laguma raysto waxaan kuugu dabacsanee dawooy kuugu beer nuglahay inaan isku diir naxnoo is daadihinaan rabee anigu marnaba anigu anigu doodiyo ilaaq dagaal kuuma guursan dabuubta wanaagsaniyo waxaan duni kaaga xushay inaan kaa helo daryeel naftani ay ku doogsatee anigu digashiyo colaad adiga dudmo kuuma xulane
Queue is empty
-- / --