Dugsiiya Allow dajiya,
Daalka iga bi’isa
dayma qurux ilwaadloo ,
indhaha duwata wiilkooda
Doojisa hankaygoo,
darmadda wadhata laabtaydda,

oo halkaan ka doonayo,
halkeed iga dareemaysa
Diif tira diihaalkiyo
dhibtaba iga daryeelaysa
Ii dulbadan, ii dabcsan
oo iina dumaraysan

Oon duryama ahayn,
afkana daafad laga saarin
dabci wacan, dadnimo qaaliyoon,
abid ka duugoobin,
dun xariira nasab daahiroo
nolosha ii daarta
dibjirnimo midaan kaga baxoo
daalka iga raysto
dabarkeedu iimaanka yahay
xumo u diidaaya
Ii door allahayow adigaa ,
daa’inoo garane’

Exit mobile version