Heesta Dheymo - Lyrics
maxaan inanyahay ku dhawray dhursugay awgaa u oomay
siduu dhawaqii ka gaabshay afkayga maxaan dhaliilay
siday ii wareen dhanbaal dabaysha maxaan dhagaystay
maxaan adigoo i dhaafsan rajuun dhawro samraayay
dhaxaan kali qabay dhib dookhe haduu samo gabay dhexdeena
dhaymaan u arkaa ka baydhka naftii qushi tidhi dhibkayga
maxaan guul maqan dhawaystay xusuus tuuktay oo u heesay
siduu boog i dhayaayo maxaan sawirkaaga dheehday
siday rajo ii dhabowday maxaan dhadha farax la toosay
maxaan adigoon i dhawrin odhaah dhahayoon hadlaayay