Heesta Geeljire - Lyrics
Aduunkaa is garab dagay
Waxa geedi loo yahay
Ee loo guntanayaa
Guudka sare in laga dago
Afagaalka guuriyo
Dayaxa is garab maray
Goor hore inaan tagay
Maba ogid gardaraneey
Ee aan galina soo jiray
Geeliyo lo'iyo adoo
Wata guunyo xoolo ah
Oo gaawihii iyo sita
Go'an yariyo gudin
Baad iga gadaysaa
Samadaan u guuraa
Waa dhaqan gu' waynoo
Aan gaar u leenahay
Galad EEBE weeyiyo
Waxaan la goyn karayn
Waligaa ha garab marin
Geeliyo lo'diyo adhiga
Ha garab marin
Geeliyo lo'diyo adhigu
Go'aygu ceeb maaha
Hada gudintaydu ceeb maaha
Caashaq ninuu gubayoo
Gawracay ayaan ahay
Nin guurkaaga jecelbaan ahay
Kuu go'aaya adigee
Gacantaada ii dhiib
Anigoo hablaha gabi
Qurux iguba gaadhayn
Oo la ii yaqaano geenyo
Baad adigu aniga gacalooy i leeday
Ha i saarin gacantaadee
Geelaaga sii wado