VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Gobeey raali noqo - Lyrics

Xiisihii gudhee Iga gaagaxay Hadaan godloo Gaawaha u culi Ma utahay gudoon 2x Xusuusaan gocdaa Gurigoo cidlo ah Kolkaan so galo Ilmadii go'bo iga tidhaa Gu'ii gabi gabi qoysayee Ii fidi gargaar. gargaar 2x Ka gadaal ka gadaal danbaaan Inan kugu gab yidhi Gacalooy gartee Guntaan qaadanin Qaladkay gashee Gobeey raali noqo 2x Gaari baad ahayd Gaashaan ahoo Waxa aad gudo Anigaan ku garan Oo kuu gaasiray 2x Galabtaad tagtee iga goosatan Dib usoo gurtaye Gacal ways qabtaa Mana kala go'ee Adigoon i gabin Garab maad isiin 2x Ka gadaal ka gadaal danbaaan Inan kugu gafay Gacalooy gartee Guntaan qaadanin Qaladkay gashee Gobeey raali noqo 2x
Queue is empty
-- / --