hadii aan ku caashay
iceebee kuma odhan
hadaan laabta kuu culay
icanaad kuma odhan

cugashada galgacalka
igu ciil kumaan odhan
cindigayga kuu bogay
ku ciyaar kumaan odhan

inkastoon caloolyaw
iyo cabasho aan qabo
dib uliq cadhuuftoo
cishadayda way iman
hadii caadil igub simo
adiguna cudooneey
cadawgaaga ha u jabin

hadan calanka kuu sudhay
icadhoo kumaan odhan
hadaab ciirsi kuba biday
icel celi kumaan odhan

calmashada dareenkana
cirka gali kumaan odhan
calooshayda kuu furan
candadawl kumaan odhan

Exit mobile version