Heesta Intaan dana kale ilaabay - Lyrics
dareemay maalmihii adkaa
dul joogsaday murugadooda
daqiiqad kastoo i dhaafta
intaan dano kale ilaaway
oo aan dano kale ilaaway
intaan dano kale ilaaway
darteed u fikiray ayaan
way intaan dano kale ilaaway
darteed u fikiray ayaan
laabtayda waxa ku duugan
dushaanay ka muuqanayne
hadaan furan lahaa dabnaha
dadkaan ceshadeen ilmada
waxii duhur iyo habeen
dushaada canaan ku dhacay
wixii hadal aad u daran
dul iyo hoos laguu yidhi
la yidhiyoo la yidhi
dhib aan dumar qaadan karin
adaa u dulqaatayoo
waligay dayr ii noqdee
dayn maayo sidaad u tidhi
dartii xabsi aan galee
dayn maayo sidaad u tidhi
dartii xabsi aan galee
ayaa bulshada u duraasa
bulshada u duruusa
ayaa bulshada u duruusa
dookhaygii hadii uu noqdo
ayaan doortoo calmadayee
dadkaba waan ugu jecelahay
intaad duco noo martaan
oo aad duco noo martaan
xigtooy isu kaaya dara
oo aad duco noo martaan
xubiga noogu wada duceeya
jacayl dhaba iyo dareen
calmasho barkhadloon darayn
ayaa isu kaaya daray
dadbaa jira xaasidoo
dulmuun la wareegayee
waxii duhur iyo habeen
dushaada canaan ku dhacay
wixii hadal aad u daran
dul iyo hoos laguu yidhi
la yidhiyoo la yidhi
dhib aan dumar qaadan karin
adaa u dulqaatayoo
waligay dayr ii noqdee
dayn maayo sidaad u tidhi
dartii xabsi aan galee
dayn maayo sidaad u tidhi
dartii xabsi aan galee
ayaa bulshada u duraasa
bulshada u duruusa
ayaa bulshada u duruusa