Qudh u weehatoo
walbahaar qof kale
la waydoowday
wadno caashaqoo
wacad ruux la galay
walwal kala kulmoo
lagu wiirsadoo
qalbi waayayoo
wehelkuu jeclaa
wabi kala xidhoo
waayahaad qabtiyo
wakhtigan adagi
wuu ku dhaafayaa
waa san oo baryiyo
maalmihii wacnaa
way soo socdaan

laba wadajirkiyo
waxa dila kalgacal
ka waantoobayoo
wax hayntiyo aduun
laba wali ka madhan
una wiiqminoo
waynahood sugayoo
naf wanaagsaneey
lama waarayee
hadii aan wad iman
waayahaad qabtiyo
wakhtigan adagi
wuu ku dhaafayaa
waa san oo baryiyo
maalmihii wacnaa
way soo socdaan

Exit mobile version