man iyo ubuxeey
ma huraan naftaydaa
muhiim aayatiin lee
midii ii ahaatee
ku mabsuuday maankay
ha magmaagin waligaa
ha maaxdumin jacaylkee
midig ii ahaw wacan
marwo garasho dheeroo
muftaaxii qalbigaa fura
marna murugiyo dhib maan arag
maaray intaan ku helay
libtaan maanta haynana
waa mid aynu midhihii
lamaanaha is jeceliyo
mataanaha ku gaadhnee

muda gaabaniyo
maalmo kooban baa
miirmikiyo maankaygii
safiyaay ku mulkidoo
mar la arag i deeqdaay
safiyaay mabsuudee
miisaan iyo masuulnimoo
macaan waad u dhalatoo
rabi baan ku mahadshaa
mid ahaanshaheeninyo
muxibada sal dhigate
marna murugiyo dhib maan arag
maaray intaan ku helay
libtaan maanta haynana
waa mid aynu midhihii
lamaanaha is jeceliyo
mataanaha ku gaadhnee

Exit mobile version