kalgacayl dhaboobaa
dhaqashada ilaashoo
wada dhalashadeenii
geesna aan u dhaafine
anaa kula neceb dhibtoo
dhagxumooyin goornaba
adi dhaawaca kugu noqon
dhayal ha u malayn
wada dhalashadeenii
axdigana ha dheeliyin

dhawaaqiyo codkaagay
naftu dheefsataayoo
dharaariba dharaarbay
igu kaa dhawaysaye
ogoow dhuuxa hoosiyo
dhiigaad ku milantoo
qalbigaad ku dhigantee
dhayal ha u malayn
wada dhalashadeenii
axdigana ha dheeliyin

Exit mobile version