VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Xulkii dumarka - Lyrics

Xulkii dumarkee xiskayga dagtaay Xalkii nolosheen qalbiga ku xidhaay Xafiiska wadnaha yartii xukuntaay Sidii xuural cayn janada ku xafidan Xaniyo taan baran xog been ku jirtaay Adaa xeeriyo wanaag u xushoo Macaan ka xaniban xumaantaba Xariir iga mudan xurmiyo sharafeey Ayaan xaadaneey xaqiiq kuu jantoo Oo adaa ii xiga intii ii xigtoo Xabiibii xayaatii kashaydu kuu xalan Oo adaa ku xasilay xiskiyo wadnahoo Xabiibii xayaatii kashaydu kuu xalaneey Adaa xumadii jacayl xaliyoo Xeel dheeriyo sharaf xilkaa u gutee RABAAN ku xamdiyay markaan ku xushee Xishoodiyo edeb xurmaad ku ladhoo Xaqaani naftayda xiiso gashaay Adaan i xaqirin xujana galinoo Macaan ka xaniban xumaantabee
Queue is empty
-- / --