Heesta Calaf - Lyrics
Tii aan calmadayee
Calaf ila wadaagtana
Cawa ilama joogtee
Codkaygaan udirayaa
Anaa caroowdoo
Cayn dabara waayee
Cayblaay inaa tahay
Iminkaan cadeeyee
Cashadii timaadana
Cindigayga kamaad go'in
Ilaah baa casiisee
Isku ceesho ha inaga dhigo
Carab iyo ilkaa is cuna
Dabadeed is caawiya
Adigoon is ciil tirin
Ma icafi kareesaa?
Hadaan coloownoo
Arin coloo ahaatana
Caruuurtii dhaxdeena
Xagee ceersanaayaan
Cashadii timaadana
Cindigayga kamaad go'in
Ilaah baa casiisee
Isku ceesho ha inaga dhigo