Heesta Sawjad - Lyrics
sida sayma roobloo samo iyo barwaaqo lee
ayaad iila simantoo qurux waad ka sidataa
simantaan jeclaayeey sawjad wacan inaad tahay
horaan kuu sifeeyoo samri maayo awgaa
hadaad socoto gacalooy sahan satay meel kale
nolol saafiyoo wacan ducaan kugu sagooshee
si kastay ahaataba wali waan ku sugayaa
silcayoo waan siloonee naftaydaay saxariire
waxaan saatir kuu qorin sina kuma helaysid
waxan sabano soo maray sambabadiyo beerkuba
sibay wada ahaayeen saamina wadaageen