Heesta Gasiin gurigaan lahayn - Lyrics
gasiin gurigaan lahayn
gu'gii seejoo il daran
qaniinkiyo dulinku galay
caynkaa lagu giijiyaa
halkii geediyo naqle
gabaad laa lagu raraa
gadaa anigaa ahoo
caraabada kuula galay
halkaan geediga u waday
aduunbaa ila garteee
ALLOW nabad iigu gee
colaadaan garawsho mudan
hadaan gayigaba dhamaan
gurboodkiyo waran lihii
hurdada gama' la ladin
garaad gu' kuu kordhiyo
garashaa la raadsadaa