Heesta Hami - Lyrics
qurux haween lagu tilmaamiyo
asluub midii lagu hagoogaay
haybadaadan dumarnimee
RABI kuu hibeeyaa
igu beertay hamigoo
waan kuu hanwaynee
maad hanan naftaydoo
hoygii dhulkeeniyo
hawd aan ku geeyoo
kuugu heeso jaandheer
hadiyo jeer aduunbaan
naftaydii kuu hilaacdoo
haybadaadan dumarnimee
hablaha kaga horayso
muuqaaga i horjoogee
waa i hayaa jacaylkuye
ii hibee midaado