Heesta Sacdiyaay - Lyrics
samihii naftydaay
waxad iila simantahay
cadceed soo baxaysiyo
saxansaxo udgoon badan
sacdiyaay walaaleey
saacadii la joogaba
sahwibaan ku noolohoo
nafta waan sasabayaa
sahal ma le jacayloo
sida wabi qulqulayuu
sanbabada wadnaha iyo
saameeyay oofaha
sacdiyaay walaaleey
sawtkaagan wacaniyo
suuradaadan la yaabka leh
sacdiyaay la salalaaa
sida saymo roobkiyo
sagalkii arooryaad
ama mooda oo siman
sacdiyaay la midabtay