aduunyadu igama raynin
nasiibkuna igama eexan
rajana anigaa lahaayoo

isuma kay sheegin taladoo dhacdayoo
waa amar ILAAHAY sheegtayee ha ila eegin

abaarsade aawadaayo
ilmiyo oohinuun dhamaadee
aqoon daridayda eeday

imikaan xumihii ku aayay
markaan aragtida u baahday
intaan mawt iga adeegin
ha iga aarsan i daayoo
u noqon mayee i saamax

jacaylka adaa il duufaayee
abaalkaad dhigatay weeyee
ayaan daridaada eegso

Exit mobile version