Dalkeena jacaylkiiba igu jiro
Jamasho qalbiga
Ma joogi maree
Ilaa jeexdinbaan jibaaxaayo
Jidkaan maro
Waan jeedalinayee

Dhib ma jire ma jire
Soo jarmaada qurba
Joogtey soo jaleeca
Ma jire ma jire
Soo jarmaada qurba
Joogow soo jaleeca

Sow ma joogno ma joogno
Jigjiga xarunteenii
Saw ma joogno
Waan ku joognaa xornimo
Jiigjiga xarunteena
waan ku joognaa

Sow ma joogno ma joogno
Jigjiga xarunteenii
Saw ma joogno
Waan ku joognaa xornimo
Jiigjiga xarunteena
waan ku joognaa

Dalkeena jacaylkiiba igu jiro
Joojina maayee
Waan u jeelanahee
Ila qubibaan jibaaxaayo
Jarati nin arkaa
Ma jeel baxayee

Dalkeena jacaylkiiba igu jiro
Joojina maayee
Waan u jeelanahee
Ila qubibaan jaleecaayo
Jarati nin arkaa
Ma jeel baxayee

Dhib ma jire ma jire
Soo jarmaada qurba
Joogtey soo jaleeca
Ma jire ma jire
Soo jarmaada qurba
Joogow soo jaleeca

Sow ma joogno ma joogno
Jigjiga xarunteenii
Saw ma joogno
Waan ku joognaa xornimo
Jiigjiga xarunteena
waan ku joognaa

Sow ma joogno ma joogno
Jigjiga xarunteenii
Saw ma joogno
Waan ku joognaa

Exit mobile version