Yarta dheeray
Hadaad dhuunta mari lahayd
Sida dheeftaan
Caloosha ku dhigan lahaa

Sida dheelka hilaacaay
Ama dhaysta daruurtaay
Dhex yaray dhaayahaygu
Way ku dhawranayaanoo
Kuma dhaafi karaayee
Dhooleey dhexda ma is
Qabsanaayeey halaalee
Kuma dhaafi karaayee
Dhooleey dhexda ma is
Qabsanaayeey halaalee

Afka dhuxushiyo
Dhabanada arkoo
Markaan dhawray buu
Dhiigu boqol i tagay

Bud mareera iyo Lama dhabiyo
Dheduunbaa se dhaqaajin
Armaa loo dhintaa

Dhaqankeena wanaagsan
Yaan ku dheel maraynaayoo
Dhoodiyoow faraskayga
Iyo qaalma dhalaayaa
Iyo qaalma dhalaayaa
Dhooleey maanta
Kaa dhiibaayeey dhooleey
Iyo qaalma dhalaayaa
Dhooleey maanta
Kaa dhiibaayeey dhooleey

Ceelka dhoo weynbay
Ka dhaamisaa
Ana dhagax madoobe
Ka dhankadhaynayaa

Afka dhuxushiyo
Dhabanada arkoo
Markaan dhawray buu
Dhiigu boqol i tagay

Ceelka dhoo weynbay
Ka dhaamisaa
Ana dhagax madoobe
Ka dhankadhaynayaa

Exit mobile version