VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dunidan - Lyrics

Dunidan casar joogtadaa caweysinka lacdanka cayaarta habeen barka cubaqtiyo laqantaa Hadaan canabeey jaceyl cibaada ah kugu dul furay colaadna dartaa u galay adoo ciirsiila fadhiya haddaan calan kaa dul lalay Dhededan ceryaamadaa cawriirka hababintadee calaamada qaybintaa ayaan ciddi kugu lug goynee Ha noqon cidla aan la mudanee cawanaan laga lug bixinon jirriyo ceebna toona garan jacaylkana ceeb ha badin Dunidan casar joogtadaa tabaalaha caashaqa cilaaqdiyo faaladdaa cibarada addunyada Caloosha waxaan ka raboo haddii u col hortaagan yahay culeys weyn igu hayaan wax kale i cadaadiyaan miyaan carabtahayayee Tigaagyada caymiskaa cataabada racadadahee caraabada jogsadaa calool xumo yeey ku galinee Ha noqon cidla aan la mudanee cawanaan laga lug bixinon jirriyo ceebna toona garan jacaylkana ceeb ha badin
Queue is empty
-- / --