Dunidan cassar joogtadaa
Caweeysinka lacdankaa
Cayaabta habeen barkaa
Cuwahdiyo lahdankaa

Haddaan canabeey jacayl
Cibaadaa kugu dulfuray
Colaadna dartaa u galay
Adoon ciirsila fadhiya
Haddaan calan kaa dul lulay

Calaamada qaybintaa
Ayaan cidi kugu luggoyn
Edadaan ceeryaamadaa
Cawrinkaa ababintaadee

Hanoqon cidla aan la mudaneey
Caawa aan lagaa lug bixinoo
Jiriyo ceeb toona garanee
Jacaylkana ceeb habadin

Dunidan cassar joogtadaa
Tabaalahaa caashaqaa
Cilaaqdiyo faalladaa
Cibaarada goonyahaa

Caloosha waxaan karabo
Haddii uu col hortaagan yahay
Culays weeyn igu hayaan
Wax kale i cadaadiyaan
Miyaan carab taahayaa

Cigaagyadada caymiskaa
Cattaabadaa raacdadaadee

Carraabadaa joogsadaa
Calool xumo yeey ku geeyn

Hanoqon cidla aan la mudaneey
Caawana aan laga lug bixineey
Jiriyo ceeb toona garaneey
Jacaylkana ceeb ha badin

Exit mobile version