VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Waa wada macaan dumarku - Lyrics

Waa wada macaan dumarku Waa marinka nolosheena Waa midabka quruxdeena Maamuuska dhaqankeena Waa midhaha tarankeena Waa laba mataanaynta Waa madiga habistiisa Waa maxasta korintooda Murtiyo dhamaanteedba Waa MUSTAFOW RASUULKIYO waa MAXAMED hooyadii Waa Maryama Cimraaniyo Waa CIISE maamadii Waa wada macaan dumarku Waa wada macaan dumarku Waa madaxa qoyskeena Waa meher xalaasheena Waa maamulkii guriga Waa mudanka inankeena Waa madal ku faankeena Waa muuqa sharafteena Waa geesi midigtiisa
Queue is empty
-- / --