hablaha maanta horyaalkoodiiyeey
haween ugu fil rooneey

hido dhaqan gobeed
midii loo hibeeyee
xishood lagu hagoogaay

heedaa kugu lamaanee ashkiro
habsami aduunyada
hibo iigu noolow

cirka laaciyo hogol ii da'daay
haraadka iga biisaay

habka nolosha aadmiga
midii hana qaadayee
lagu habay asluubtaay

Exit mobile version