VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Busayl - Lyrics

Waxaad tahay qof baariya Bilis quruxda loo xulay Bilcan sharafta lagu siday Oo dumarba dheeroo Ku barbaartay xilashada Dhaqan la diido maad baran Burjigaaga gobonimo Ayaa jacaylkan biiriyay Qof busaylku daashaday Oo xiisuhu biyo dhigay Qof adi ku beegsaday Ma dooxdid bogiisoo Dartaa ruux bukaan qaba Ruux bogsiin karaad tahay Waxaan ahay qof beegsiga Haween adiga kaa biday Ifka adiga kuu bogay Oo dhigaa ka baydhoo Ku boqraaya hibashada Ficil wax biiya maad falin Biligaaga boqornimo Ayaa beerka layliyay
Queue is empty
-- / --