VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dayro iyo guul - Lyrics

waan ku dayraa kuu daryeelaa waa i diidaa waad i damaqdaa dadab guribaan ku dadaalaayoo adna dookhaad ka dul oogtaa marbaa doog tahay marbaad dabintahay marbaan daraniyo deebaaq ii tahay mar dabiib iyo dawaad ii tahay markaan soo dago adoon sii dudin markaan ku daayana diiqadaan mudan dayro iyo gu' mid inoo door waan ku doonaa kuu dan seegaa waad i durkisaa waad i dabartaa daacad xiisaan ku daleeyaayoo adna ducadaad dib u riixaa marbaad dugsi tahay marbaad dayaw tahay marbaad dacariyo durow ii tahay marna dajiyaay doojiyaad tahay
Queue is empty
-- / --