Nalkii caashaqa iyo nuxurkii jacaylka
Markii aad nagaadisaan

Kaa gooyay nabdigaa
Niyada iyo qalbigoo
Kaa tashatay naftayduye

Naxligii caashaqa iyo
Nitaaqadii i daysaye
Halkaad shalay naruurada
u haysatay nasteexada
Hadaba ku aad nafis

Nuurkii caashaqa iyo nasrigii jacaylka
Markii aad nusqaamisaan

Ka nastay jacaylkii
Ii kaa nugleeyoo
Kaa tashatay naftayduye

Exit mobile version