Hadaan dumarkeenu
Rumayn hamigeena
Miyaan hiigsanlaynba
Inaan heer gaadhnoo
Aduun la halmaaloo

Hadaan dumarkeenu
Rumayn hamigeena
Miyaan hiigsanlaynba
Inaan heer gaadhnoo
Aduun la halmaaloo

Mar waa hagahaaga
Dhab hooyo ku saartay
Mar waa mahuraanka
Hooyo aad la wadaagto

War hiiliyo weeye
Haldhaa inantaada
Walaal marna heegan
Ku hawlan dantaada
Ku hawlan dantaada

Way ani haweenku
Halkuu iga joogo
Hubaal eray qeexa
Afkii heli waayay

Hadaan ragu joogin
Haween dhinacooga
Nolasha la habaynin
Nagaad u barbaari
Hurdaba ma ladeene

Hadaan ragu joogin
Haween dhinacooga
Nolasha la habaynin
Nagaad u barbaari
Hurdaba ma ladeene

Waxaa hano qaada
Ninkay la hayaane
Hubaal garabkiisa
Haween ninka waayay
Halyay noqon maayo
Halyay noqon maayo

Waxaa hano qaada
Ninkay la hayaane
Hubaal garabkiisa
Haween ninka waayay
Halyay noqon maayo
Halyay noqon maayo

Aduunkan hayaamay
Hayaamay hayaamay
Ragbaa hirar geeyay
Ragbaa hamigooda
Haween ka rumeeyay
Ragbaa u horseeday
Hablaha farxadoodaa

Mar waa hagahaaga
Dhab hooyo ku saartay
Mar waa mahuraanka
Hooyo aad la wadaagto

War hiiliyo weeye
Haldhaa inantaada
Walaal marna heegan
Ku hawlan dantaada
Ku hawlan dantaada

Way ani haweenku
Halkuu iga joogo
Hubaal eray qeexa
Afkii heli waayay

Aduunkan hayaamay
Hayaamay hayaamay
Ragbaa hirar geeyay
Ragbaa hamigooda
Haween ka rumeeyay
Ragbaa u horseeday
Hablaha farxadoodaa

Exit mobile version